Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xukunno lagu Ridday Mas'uuliyiin Gargaar Leexsaday


Xukunno lagu Ridday Mas'uuliyiin Gargaar Leexsaday
Xukunno lagu Ridday Mas'uuliyiin Gargaar Leexsaday

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, G/sare Xasan Maxed Xuseen Muungaab ayaa VOA u sheegay in maxkamadda ciidamadu ay maanta markii ugu horeysay xukunno kala duwan ku riday labo guddoomiye degmo kaddib markii lagu helay inay xadeen sahayda gargaarka ee Loogu talagay dadka abaaraha.

Maxkamadda ayaa xukun xarig ah oo 15 sanno ah ku xukuntay Bashiir Cabdi Nuur oo ahaa guddoomiyihii degmada Xamar Jajab, halka 10 sanno oo xarig ahna lagu xukumay C/laahi Max'ed Rooble oo ahaa guddoomiyihii degmada Kaaraan.

Labadan guddoomiye degmo ayaa xilka laga qaaday ka hor intii aan xukunka lagu xukumin.

Xasan Maxed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay inay baarayaan saddex guddoomiyayaal degmo oo la tuhunsanyahay in iyaguna ay ku lugleeyihiin musuqmaaasuqa raashiinka gar gaarka dadka tabaaleysan loogu talagay, wuxuuna sheegay in haddii lagu helo ay muteysan doonaan xukunno kuwan la mid ah.

Waa markii ugu horeysay oo xubno dowllada ka tirsan loo xukumo dhac ay u gasyteen raashiinka gargaarka tan iyo intii ay soo baxeen eedeymaha lixiriira in dad gaar ah ay leexsadaan gargaarka dadka macluulsan loogu talagay.

XS
SM
MD
LG