Isku xirrada

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain oo Booqday Muqdisho


Philip Hammond Muqdisho

Philip Hammond Muqdisho

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain Philip Hammond ayaa maanta boqoasho ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mr. Hammond iyo wafti la socda ayaa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, halkaasi oo uu madaxweynaha uu uga xog waramey xaaladda dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dib u dhiska ciidammada, sida lagu sheegay warsaxafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

Hammond ayaa isna soo dhoweeyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaalanka argagixisada iyo dib u soo nooleynta hay’adaha dowliga.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka madaxtooyada, labada dhinac ayaa si qota dheer uga wadahadley iskaashiga dhinaca amniga, xoojinta barnaamijka dowladda ee la socodka nidaamka maaliyadda, taageerada barnaamijka isku dhafka ciidammada, iyo wadashaqeynta ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya.

Philip Hammond ayaa sheegay in Britain iyo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cameron ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qeybgaley Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.

XS
SM
MD
LG