Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbul-Islaam oo isku Dhiibay Al-Shabaab


Xisbul-Islaam oo isku Dhiibay Al-Shabaab
Xisbul-Islaam oo isku Dhiibay Al-Shabaab

Saraal ka tirsan Xisbul-Islam ayaa VOA u sheegay in hoggaanka iyo maleeshiyada Xisbul-Islaam ay maanta isku dhiibeen kuna biireen Al-Shabaab.

Hoggaanka iyo maleeshiyada ururka Xisbul-Islaam ayaa la sheegayaa inay maanta isku dhiibeen ururka Al-Shabaab. Max'ed Caruus oo ah afhayeenka Xisbul-Islaam ayaa VOA u sheegay in kaddib kulan ay qaateen hoggaanka iyo madaxa Xisbul-Islaam ay go'aansadeen inay la midoobaan oo ay ku biiraan kooxda Al-Shabaab.

Caruus wuxuu sheegay in hoggaanka Xisbul-Islaam oo uu ka mid yahay Xasan Daahir Aways ay isku raaceen inay qaataan oo ay ku biiraan magaca Al-Shabaab maadaama ay isku fikir yihiin iskuna mabda' yihiin.

Isku-dhiibidan iyo ku biiritaanka ayaa wuxuu daba socdaa kaddib markii uu dagaal dhexmaray isla markaana uu xooggeystay khilaafka ka dhextaagan labadan urur, deeggaano ay ka talin jireen ururka Xisbul-Islaam ayaa dhawaan waxaa la wareegay ururka Al-Shabaab.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya go'aanka ay Xisbul-Islaam qaateen ee ku saabsan inay isku dhiibaan Al-Shabaab. Warar ayaa sheegaya in ururka Xisbul-Islaam uu ku kala qeybsamay arrintaasi, waxaana jira qeyb ka tirsan Xisbul-Islaam oo iyagu fikirkaasi diiday inay isku dhiibeen ama u goosteen dhinaca dowladda KMG. Qaar ka tirsan goobaha ay ka taliyaan Xisbul-Islaam ayaa waxaa maanta lagu arkayay maleeshiyada Al-Shabaab oo iyagu gaafa wareegaya.

Is-dhiibitaankan ayaa wuxuu ka dhigan yahay in gabi ahaan uu baa'bay ama uu burburay ururka Xisbul-Islaam.

XS
SM
MD
LG