Isku xirrada

War

Xisbiga Kulmiye oo Diiday go'aanka Muddo-kordhinta


Xisbiga Kulmiye oo Diiday go'aanka Muddo-kordhinta

Xisbiga Kulmiye oo Diiday go'aanka Muddo-kordhinta

Xisbiga talada haya ee Kulmiye, Xisbiyada mucaaradka iyo guddiga doorashooyinka ayaa si wadajir ah uga horyimid go'aanka muddo-kordhinta

Shir ay maanta iskugu yimaaddeen saddexda xisbi ee Somaliland iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayey mowqif isku mid ah ka qaateen go’aankii ay shaley Golaha Guurtidu ay muddada xilka ugu kordhiyeen saddexda Gole ee Guurtida, Wakiilda iyo deegaanka. Waxana ay maanta soo saareen laba qodob oo kala ah:

Wareysi uu siiyay idaacadda VOA, guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, wuxuu ku sheegay inuu ka soo horjeedda go'aankaasi, isla markaana uu saluugsan yahay sida ay Golaha Guurtidu go'aankaasi u gaadheen, kaasoo uu sheegay inuu yahay mid aan laga fiirsan oo lagu deg-degay.

Shirka maanta ayay xubnuhu waxay isla garteen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin;
1-In doorsahada ugu horeysa la gali doono bisha December ee sanadeka 2011.
2-Iyo in isku mar la qaban doono doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo tan Golaha Deegaanka.

XS
SM
MD
LG