Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xilliga KMG oo Dhammaaday iyo 211 Xildhibaan oo la Dhaariyay


Baarlamaanka cusub oo la dhaarinayo
Baarlamaanka cusub oo la dhaarinayo
Wakhtiga KMG ee Soomaliya ayaa maanta si rasmi ah loo dhameystiray.
Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankii ugu horreeyay iyadoo kulankaasi lagu dhaariyay 211 xildhibaan.
Kulankaasi waxaa sidoo kale guddoomiye KMG ah loo doortay General Muuse Xasan oo ah xildhibaanka ugu da'da weyn baarlamaanka cusub.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sharii Sheekh Axmed oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay maanta tahay maalin guul ah oo la dhameytiray KMG-nimada Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheekh Adan, guddoomiyaha baarlamaanka wakhtigiisu dhamaanayo iyo C/weli Maxamed Cali R/wasaaraha oo labadooduba ka mid ah xildhibaannada la dhaariyay ayaa VOA u sheegay inay ku faraxsan yihiin ka mid noqoshada baarlamaanka.
Qeybta dumarka ee baarlamaanka oo awal la qorsheeyay inay ahaadaan 30% ayaan helin kuraastii loogu talagalay. Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah haweenka ka mid noqday baarlamaanka cusub ayaa sheegtay in haweenku ay heleen 16% kuraasta baarlamaanka.

Qeybta hoose ka dhagesyo hadalka madaxweyne Shariif iyo wareysiyada Shariif Xasan iyo C/weli Gaas.

please wait

No media source currently available

0:00 0:09:29 0:00
XS
SM
MD
LG