Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano Qaadacay Shirka Garoowe


Xildhibaano Qaadacay Shirka Garoowe
Xildhibaano Qaadacay Shirka Garoowe

Xildhibaanada kasoo jeeda beelaha dega gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in aanay tageynin qeybta labaad ee shirka wadatashiga ah ee Soomaalida ee loo ballansan yahay inuu ka dhaco magaalada Garoowe ee Puntland. Xildhibaannadan waxay maamulka Puntland ku eedeeyeen inay tacadiyo u geystaan dadka ka soo jeeda gobollada Koonfurta Somalia.

Dhinaca Wasiirka Aminga ee Puntland ayaa beeniyay eedahaasi, wuxuuna sheegay in beelaha dega Bay iyo Bakoo si wanaagsan looga soo dhaweeyey Puntland oo ruuxii dambi galana, meeshii uu doono ha u dhashee, sharciga la horgeyn doono.

Warbixin iyo wareysi arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG