Xubno ka tirsan baarlamaanka KMG ah ayaa walaac ka muujiyay shirka wadaxaajoodka ah ee dhowaan la filayo in hay'adaha dowladda KMG ah, Maamullada Soomaalida ee dalka ka jira, iyo dhinacyada kale ee siyaasadda Soomaaliduba ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho, si looga arrinsado khilaafaadka hay'adaha KMG ah.
Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay in xukuumaddu ay afduubaneyso ajendaha Shirkaasi iyo maamulkiisaba.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in aysan shirkaasi ka qeybgeli doonin, haddii uu ka duwan yahay kii ay Qaramada Midoobay ajendahiisu go'aamisay.