Isku xirrada

War

Xildhibaano Faragelin ku eedeeyay Jabuuti

  • Sahra Abdi

Xildhibaano Faragelin ku eedeeyay Jabuuti

Xildhibaano Faragelin ku eedeeyay Jabuuti

Shir ay qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanku ku yeesheen magaalada Nairobi ayaa cambaareyn loogu jeediyay dowladda Jabuuti.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi ayaa cambaareyn u jeediyay dalka Jabuuti.

Xildhibaanada ayaa ku eedayay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle inuu faragelin ku hayo Soomaaliya, isla markaana uusan doonayn in doorasho la qabto.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka KMG ah Cabdiweli Sheekh Muuday ayaa sheegay in Madaxweyne Geelle uu khaldaad ka galay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in xildhibaanadoodu ay doonayaan inay doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya, islamarkaana aan loo raacin xil kororsiga ay samaysatay xukuumadda, taasoo uu sheegay inaysan sharciga waafaqsaneyn.

XS
SM
MD
LG