Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano Eedeeyayn ujeediyay Amisom


Xildhibaano Eedeeyayn ujeediyay Amisom
Xildhibaano Eedeeyayn ujeediyay Amisom

Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur ayaa ku eedeeyay Amisom inay ka horjoogsatay inay shir ku yeeshaan xarunta baarlamaanka.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa eedeeyn u jeediyay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM inay faragelin ku sameeyeen hawlohooda.

Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur oo ka mid ahaa xildhibaano maanta doonayay inay shir ku yeeshaan xarunta baarlamaanka ayaa VOA u sheegay in ciidamada AMISOM ay ka horjoogsadeen inay shir ku yeeshaan xarunta baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay AMISOM inay garan la'dahay shaqadeeda iyo waxa loo oggol yahay inay sameyso.

Wuxuu sheegay in caadiyan ay tahay in xildhibaanadu ay fadhi yeeshaan maalin kasta oo Arbaco ah, hase yeeshee loo diiday inay maanta qabsadaan shaqadii u taallay.

Xildhibaan Ismaaciil Axmed Nuur ayaa sheegay in sababta loogu diiday inay xarunta baarlamaanka galaan ay tahay iyadoo uu baarlamaanku uu u xiran yahay ayuu yiri Guddoomiyaha baarlamaanka.

XS
SM
MD
LG