Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaano difaacay M/weyne Geelle


Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe kulan ay yeesheen ku difaacay Jabuuti.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay ku difaaceen madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Geelle waxaa sabtidii eedeyn u jeediyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG ah oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi, kuwaasoo ku eedeeyay inuu faragelin ku hayo arrimaha dalka Soomaaliya, uuna ka soo horjeedo, sida ay hadalka u dhigeen, in Doorasho ay dhacdo.

Shirkan ay yeesheen xildhibaanada waxa uu ka dhacay Hotel Naasa Hablood 2, waxana ka mid ahaa xildhibaanada isugu timid guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe), Sheekh Cabdiraxman Janaqow, iyo xildhibaano kale.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Xildhibaan Casoowe ayaa sheegay in Soomaalida uu xaal qabtay, ka dib markii sida uu sheegay magacooda la adeegsaday oo eedeeyn loo jeediyay Jabuuti oo uu sheegay in ay abaal u gashay Soomaalida.

XS
SM
MD
LG