Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanno Xilkii ka Qaaday Shariif Xasan


Xildhibaanno Xilkii ka Qaaday Shariif Xasan
Xildhibaanno Xilkii ka Qaaday Shariif Xasan

Xarunta Gollaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan ay yeesheen 283 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka KMG ee Soomaaliya.

Xidhibaannadan ayaa ka dooday mooshin ay wadeen qaar ka tirsan xubnaha baarlamaanka oo ka dhan ahaa guddoomiyaha baarlamaanka.

Dood dheer kaddib 280 xildhibaan ayaa u coddeeyay in xilka laga qaado guddoomiyaha baarlamaanka KMG ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Adan. Laba xildhibaan ayaa ka aamusan coddeyntaasi halka hal xildhibaanna uu diiday.

Xildhibaannadan ayaa isla kulankan waxay shir guddoon ugu doorteen Xildhibaan Madoobe Nuunow oo isna ka tirsan baarlamaanka.

Go'aankan ay qaateen xildhibaannadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Shariif Xasan uu ka maqan yahay dalka lamana oga jawaabta uu ka bixin doono arrintan.

Tallaabadan ayaan la ogeyn inay waafaqsan tahay Axdiga KMG ee Soomaaliya iyo in kale.

XS
SM
MD
LG