Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanno Mar kale ku Dagaallamay Muqdisho


Xildhibaanno Mar kale ku Dagaallamay Muqdisho
Xildhibaanno Mar kale ku Dagaallamay Muqdisho

Laba kooxood oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka ayaa maanta mar kale isku gacan qaaday kulan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa bilowday kaddib markii kulan ay lahaayeen xildhibaannadii xilka ka qaaday guddoomiyaha baarlamaanka ay soo galeen xildhibaannada taageersan guddoomiyaha, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal gacanta la isula tagay oo dhexmaray xildhibaannadaasi.

Dhowr ka mid ah xildhibaannada ayaa la sheegayaa in dhaawacyo ay soo gaareen, iyadoo mid kamid ah xildhibaannada uu soo gaaray dhaawac culus.

Dagaalkaasi kaddib, waxaa sii socday kulankii waxayna xildhibaannadii guddoomiyaha xilka ka qaaday ay shir guddoomiye u doorteen guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka oo isna kulankaasi ka sheegay inuu taageersan yahay go'aankii xilka qaadista guddoomiyaha.

XS
SM
MD
LG