Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanno Dhexdhexaadin ku Baaqay


Xildhibaanno Dhexdhexaadin ku Baaqay
Xildhibaanno Dhexdhexaadin ku Baaqay

In kabad an 80 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa ugu baaqay xildhibaanada dib u dhigaan Mooshinada ku wajahan Gudoonka Baarlamaanka iyo Xukumadda

Mudanayaashan oo isku magacaabay Guddiga Mideynt iyo Badbaadinta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shir ay maanta ku qabteen Magaalada Muqdisho ku sheegay in qorshahooda uu yahay sida xal waara looga gaari lahaa is jiid jiidka ka jira baarlmaanka gudahiisa si loo badbaadiyo Mirihii ka soo baxay heshiiskii Jabuuti.

Xidhibaan Cabdu-Khaalaq Cabdulaahi Xamza ayaa shirka ka aqriyay baaq ka kooban dhowr qodab oo ay soo saareen.

Xildhibaan C/Raaxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) oo gudoomiye u ah Guddigaaan la magacbaxay Guddiga Mideynt iyo Badbaadinta Baarlamaanka Soomaaliya ayaa VOAda u sheegay in hadafkooda uu yahay midnimada baarlamaanka si looga fogaado waxy aabihii curyaamiyay dowladii tan ka horeysay

Xidhibaan Xuseen Caraale Cadaan oo ka mid ah xubnaha shirka maanta soo qaban qaabiyay ayaa VOAda ugu waramay rajada ay ka qabaan xal kagaarista qilaafaadyada baarlamaanka u dhaxeeya .

Maxamed Mire Cabdi oo kamid xildhibaanada shirka ka qeybgalay ayaa qaba in xalka uu ku jiro in dib loo soo celiyo fadhiyadii baarlaamanka si mudanayaasha ay u soo bandhigaan figradaha ay kala aaminsanyihiin.

Baaqa xildhibaanada ayaa ku soo beegmaya xilli uu wali jiro qilaafka mudanayaasha baarlamaanka oo qaarkood ay qabaan inuu waqtiga ka idlaaday Guddoonka baarlamaanka sidaa darteedana ay tahay in doorasho la qabtohalka qaarka kalane arintaa ka soo horjeeda oo iyaguna aaminsan in cida waqtiga ka dhacay ay tahay Xukumada.

XS
SM
MD
LG