Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaannadii iyo Saraakiishii oo la sii daayay


Xildhibaannadii iyo Saraakiishii oo la sii daayay
Xildhibaannadii iyo Saraakiishii oo la sii daayay

Gen. Maxamed Nuur Galaal iyo 11 xildhibaan oo xalay laga qabqabtay Nairobi ayaa maanta la sii daayay

Maxamed Aden Edsan, qunsulka safaarada Soomaalida ee Nairobi, ayaa VOA-da u sheegay in 12 xildhibaan oo xalay la qabtay 11 ka mid ah galabta la sii daayay, iyadoo qalad dhinaca farasamada aawadeed wali la haysto mid ka mid ah xildhibaannada oo lagu magacaabo Canab waxaana lagu wadaa in bari la sii daayo.
Qunsulku wuxuu sheegay in sidoo kale Janaraalladii iyo saraakiil kale la sii daayay dhamaantood.

Qunsulku wuxuu xusay in kadib markii ay safaaradda iyo dowladda Somalia ay soo faragaliyeen arrintan dhamaan xildhibaanada la sii daayay marka laga reebo sadex xildhibaan oo iyaga la sii daayay kadib markii maxkamad la soo taagay.

Gen. Maxamed Nuur Galaaal ayaa markii la sii daayay u sheegay VOA-da sidii loola dhaqmay intii uu xirnaa. Galaal wuxuu sheegay in isaga iyo dad kale la galiyay meel hool ah oo muddo lagu hayo iyadoon wax su’aallo ah la weydiin, wuxuu sheegay in muddadaasi ay ku jireen xabsiga ay gaajo la soo daristay.

Wareysiyo aan ka qaadnay ga Gen Galaal, qunsulka safaarada, Wasiirka howlaha iyo Guud iyo Guriyenta DKMG iyo wasiir-ku-xigeenka xanaanada xoolaha ee Kenya, midigta sare ee boggan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG