Isku xirrada

War

Xildhibaan Qanyare oo ka hadlay Muranka Doorashada


Xildhibaan Qanyare oo ka hadlay Muranka Doorashada

Xildhibaan Qanyare oo ka hadlay Muranka Doorashada

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa sheegay in baarlamaan wakhtigiisu dhammaanin uusan wax dooran karin.

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka tirsan baarlamaanka KMG ah ayaa ka hadlay doodda ka taagan midda soo hormareysa doorashada madaxweynaha iyo tan guddoonka baarlamaanka.

Wareysi uu siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA, xildhibaan Qanyare wuxuu ku sheegay in marka hore ay tahay in baarlamaanku uu doorto guddoon, ka dibna uu doorto madaxweynaha.Wuxuu sheegay in baarlamaan wakhtigiisu dhammaaday uusan wax dooran karin.

Xildhibaan Qanyare wuxuu sheegay in mar haddii saddex sano loo cusbooneysiiyay baarlamaanka uu haddana loo baahan yahay in la dhiso oo wakhtiga cusub guddoon cusub lala doorto.

Wuxuu sheegay inuusan dhibaato u arkin kala fikir duwanaansha arrinta siyaasadeed ee hadda taagan, wuxuu kaloo sheegay in dowladda KMG ah aysan cadow kale lahayn ee aan ka ahayn kooxda al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG