Isku xirrada

War

Xildhibaan lagu dilay Boosaaso


Bossaso

Bossaso

Xildhibaan ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ayaa caawa fiidkii lagu dilay magaalada Boosaaso.

Xildhibaankan ayaa la sheegayaa inay magaalada Bossaso ku dileen kooxo aan la garanayn oo hubaysan, xilli uu ka soo baxayay masaajid ku yaalla magaalada Bossaso.

Waa mudanihii labaad ee ka tirsan barlamaanka Puntland ee la dilo. bishii November ayay ahayd markii xildhibaan lagu magacaabo Ibraahim Cilmi Warsame lagu dilay magaalada Garoowe. Sidoo kale waxaa isna dil ka bad-baaday oo dhaawac uu soo gaaray sanadkii inaga tagay gudoomiyaha barlamaanka maamulkaasi C/rashiid Maxamed Xirsi, kadib markii baabuur uu saarnaa qarax lala beegsaday.

Wararka ugu danbeeyey ee ka imanaya magaalada Bossaso ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku ay laba nin u qabteen dilka mudanaha.

XS
SM
MD
LG