Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan ka Tirsan Congress-ka oo la Toogtay


Xildhibaan ka Tirsan Congress-ka oo la Toogtay
Xildhibaan ka Tirsan Congress-ka oo la Toogtay

Gabrielle Giffords oo ka tirsan aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa maanta madaxa laga toogtay magaalada Tucson ee gobolka Arizona.

Gabrielle Giffords oo ka tirsan aqalka wakiillada Maraykanka ayaa toogasho lagu dhaawacay dhaawacay gobolka Arizona ee dalka Maraykanka.

Giffords ayaa madaxa laga toogtay xilli ay la hadlaysay dadka degan xaafadda laga soo doorto ee magaalada Tucson ee gobolka Arizona.

Wararku waxay sheegayaa in sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay qaar ka mid ah shaqaalaheeda. Saraakiishu waxay sheegeen in ugu yaraan 12 qof lagu dhaawacay toogashadaasi.

Wali ma cadda xaaladda caafimaad ee ay ku sugan tahay Giffords iyadoo haatan ku sugan tahay Hospital ku yaala gobolka Arizona.

Gabrielle Giffords waxay ka tirsan tahay xisbiga Dimoqraadiga.

Magaalada Tucson ee haweenaydan lagu toogtay ayaa waxay 130 u jirtaa xadka Maraykanku la leeyahay dalka Mexico.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa weerarkan.

XS
SM
MD
LG