Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Oday Tahriibayay oo Talyaaniga Yimid


Oday Qaahira ka soo Tahriibay oo Talyaaniga Yimid
Oday Qaahira ka soo Tahriibay oo Talyaaniga Yimid

Toddobaadkan waxaa la keenay Talyaaniga 140 qof oo muhaajiriin ah oo Masar ka soo tahriibay kuwaas oo badda laga soo badbaadiyay.

Dadkan waxaa ku jira nin 55 jir ah oo VOA uga warramay safarkiisii. Ninkan oo magaciisa dalbaday inaan la sheegin ayaa sheegay in dooni ay ka soo raaceen xeebaha Masar ay muddo ka badan 7 cisho la soo socotay.

Doonidan ayaa waxaa biyaha caalamiga ka soo badbaadiyay markab Midowga Yurub uu leeyahay.

Ninkan ayaa C/casiis Xuseen oo Milan kula kulmay u sheegay in haddii aanay markabkaasi uu badbaadin lahayn ay doonidii siday isaga iyo muhaajiriinta kale ay khatar ku sugnaan lahaayeen.

Ninkan ayaa sheegay in sababta uu u soo tahriibay isagoo da'daasi le'eg ay tahay mustaqbal la'aan ka jirta Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu mustaqbal u raadiyo caruur uu dhalay.

Wareysiga qeybta hoose ka dhageyso.

Dhageyso: Oday Talyaaniga u Tahriibay
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:44 0:00

XS
SM
MD
LG