Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisad ka Dhextaagan Puntland iyo Galmudug


Magaalada Gaalkacayo
Magaalada Gaalkacayo

Afhayeen u hadlay maamulka Puntland ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu halis ku yahay amniga Puntland isla markaana uu ka danbeeyo dilal iyo afduub laga geystay gudaha Puntland.

Dhinaca kalena maamulka Galmudug ayaa iyagu beeniyay eedahaasi iyagoo ujeedada eedahan ku tilmaamay mid Puntland ay ku doonayso inay ku qariso falal xadgudubyo ah oo ay geysteen ciidamada Puntland.

Max'ed Cali Jaamac Gaagaab oo madax u ah xarun nabadda ka shaqeysa oo Gaalkacyo ku taalla ayaa labadan maamul ugu baaqay inay is-fahamwaaga dhexdooda ah si degan ku xaliyaan.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso, warbixin iyo wareysiyo la xiriirra eeddaha labada dhinac ay isku jeediyeen.

XS
SM
MD
LG