Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisad ka Dhex Oogan Saudi Arabia iyo Iran

រថយន្ត​យោធា​មួយ​ពេញ​ដោយ​ទាហាន​រដ្ឋាភិបាល​បើក​កាត់​ផ្ទះ​និង​អគារ​ដែល​ត្រូវ​បាន​កំទេច​ខណដែល​កង​កម្លាំង​ទាហាន​បន្ត​សម្អាត​ប្រតិបត្តិការ​ប្រឆាំង​នឹង​ក្រុម​សកម្ម​ប្រយុទ្ធ​គាំទ្រ​យោធា​ដែល​បាន​កាន់កាប់ស្រុក​ Mapandi ក្នុង​ទីក្រុង​ Marawi ភាគខាងត្បូង​ប្រទេស​ហ្វីលីពីន។ 

Qiyaastii 169 oo Iiraaniyiin ah ayaa la xaqiijiyey inay ka mid ahaayeen 769 qof oo ku geeriyooday isbuurashadii xajka ka dhacday. Illaa 300 oo Iraaniyiin ah ayaa sidoo kale weli la la’ yahay.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa soo gaabin doona ka qeyb galkiisa shirka QM, isaga oo ka tagi doona magaalada New York, kuna laabanaya Tehran, si uu uga qeyb galo munaasabadda aaska dadka Iraaniyiinta ah ee ku geeriyooday isbuurashadii ka dhacda xajka.

Qiyaastii 169 oo Iiraaniyiin ah ayaa la xaqiijiyey inay ka mid ahaayeen 769 qof oo ku geeriyooday isbuurashadii xajka ka dhacday. Illaa 300 oo Iraaniyiin ah ayaa sidoo kale weli la la’ yahay.

Axaddii, ayaa hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei waxa uu Sacuudiga ka dalbaday inay raali-gelin ka bixiso dhacdadii Xajka ee lagu la’day.

“Waxa ay tahay inaan isla go’aaminno ayaa ah in mas’uuliyadda musiibadan ay lee yihiin kuwa xakuma Sacuudiga. Waa inay aqbalaan mas’uuliyadda” ayuu warsaxaafadeed ku yiri Khamenei.

Iraaniyiinta ayaa axaddii maalintii saddexaad oo xiriir ah dibad bax ka hordhigay bannaanka safaaradda Sacuudiga ee Tehran.

Shilkii xajka, ayaa u muuuqda mid isku orgaya xiisad siyaasadeed u dhaxeysa labadan dal, oo markii hore isku hayey dagaalka Yemen, oo ay kala taageeraan labada dhinac ee dalkaas isku haya ee kooxda Shiicadaha ee Xuutiyiinta iyo dowladda Suniyiinta ah.

XS
SM
MD
LG