Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan lagu Dhaawacay Muqdisho


Xildhibaan lagu Dhaawacay Muqdisho
Xildhibaan lagu Dhaawacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu dhaawacay mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka KMG ee Somalia oo lagu magacaabo Xasan Cabdi Nuur (Xasan Aalbaro).

Xildhibaankan ayaa lugta laga dhaawacay kaddib markii baabuur uu saarnaa rasaas lagu furay.

Wararka ayaa sheegaya in rasaastan ay fureen ciidamo ilaallo ka ah xarun samafal ah oo ay leedahay dowladda Turkey oo ku taalla degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Lama oga ujeeddada ka danbeysa rasaasta lagu furay baabuurka xildhibaanku saarnaa, hasse yeeshee warar ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka shakiyeen baaburka kaddibna ay rasaas ku fureen.

XS
SM
MD
LG