Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xeer ilaaliyihii Guud oo Xilka laga Qaaday


Xeer ilaaliyihii Guud oo Xilka laga Qaaday
Xeer ilaaliyihii Guud oo Xilka laga Qaaday

Golaha Wasiirada ee dowladda KMG ah ayaa xilkii ka qaaday xeer ilaaliyihi Qaranka Cabdullaahi Daahir Barre, mid cusubna magacaabay.

Fadhi ay xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirada ayaa waxaa go’aamadii ka soo baxay ka mid ahaa in xilka laga qaaday xeer ilaalihii guud ee Qaranka Cabdullaahi Daahir Barre, laguna beddelay Cabdulqaadir Maxamed Muuse.

Golaha Xukuumadda ayaa go’aanka xil ka qaadista isla oggolaaday, ka dib markii uu shirka ka jeediyay warbixin la xiriirta xeer ilaaliyaha wasiirka dastuurka Cabdullaahi Ebyan Nuur, uuna codsaday in xilka laga qaado Cabdullaahi Daahir Barre.

La taliyaha ra’iisal wasaaraha, ahna afhayeenka xukuumadda Eng: Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa VOA u sheegay in xil ka qaadista xeer ilaaliyaha ay qeyb ka tahay isbedel iyo dib u habeyn lagu sameeynayo hay’adaha dowladda KMG ah.

Shirka golaha xukuumadda oo uu guddoominayay ra’iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sidoo kale lagu soo qaaday shirkii Golaha Ammaanku ee Qaramada Midoobay uu magaalada Nairobi kula yeeshay dhinacyada Soomaalida.

XS
SM
MD
LG