Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika


Soomaali ka banaan baxaysa dilalka (Sawir keyd ah)
Soomaali ka banaan baxaysa dilalka (Sawir keyd ah)

Soomaalidan ayaa lagu dilay weeraro kala duwan oo ka dhacay Koonfur Afrika, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay shan kale.

Saddex qof oo Soomali ah ayaa siyaabo kala duwan loogu kala dilay dalka Koonfur Afrika, xilli weli ay socdaan dilalka loo geysanayo Soomaalida dalkaas ka ganacsada.

Saddexdan Soomaalida ah ayaa waxaa goobahooda ganacsi oo ay ku suganayeen ku weeraray kooxo hubeysan, iyadoo weeraradaasina ay dhaawacyo ka soo gaareen shan qof kale oo Soomaali ah.

Saddexda marxuum ee la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Shariif Shumeey, Saciid Cosoble Ilka Case iyo Macallin Faarax.

Boliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay inay haatan wadaan baaritaanno la xiriira dilalkan iyo sidii burcadda falkan geystay ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen si maxkamada loo soo taago.

Ibraahim Xasan Daandurey ayaa khadka talefoonka kula xiriiray wariye Cumar Maxamed (Cumar Kiyoow) oo ku sugan magaalada Johannesburg kana wareystay arrintan.

Soomaali lagu dilay Koonfur Afrika
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:45 0:00

XS
SM
MD
LG