Isku xirrada

War

Xasan Turki oo u Goostay Al Shabaab


Sh Xasan Turki.

Sh Xasan Turki.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegay inay midoobeen Guutada Raaskaambooni oo ka mid ahaa ururka Xizbul Islaam.

Garabakan ayaa waxaa hoggaamiya wadaadka lagu magacaabo Sheekh Xasan Cabdullaahi Xirsi “Sheekh Xasan Turki”, oo ah Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xizbul Islaam.

Mas’uuliyiinta ugu sarraysa labada dhinac ayaa la sheegay inay maalmihii ugu dmabeeyey ku shirayeen magaalada Baydhaba, halkaasi oo manata oo Isniin ah uu ka dhacay shri jaraa’id oo looga dhowaaqay midwoga labada dhinac.

Mid ka mid ah madaxda Al Shabaab oo lagu magacaabo Fu’aad Maxamed Khalaf ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhisayaan waxa uu ugu yeedhay dawlad Islaami ah.

Dhinaca kalena ururka Xisbul Islaam oo guddoomiye ku xigeenkoodu uu hoggamaiyo garabka Raaskaambooni ee ku biiray Al-Shabab ayaa sheegay inay xisbigu uu ka shirayo go’aanna ka soo saari doono heshiiskan.

Af-hayeenka ururkaasi Sheekh Maxamed Macallin Cali ayaa VOAda u sheegay in ururka Xizbul Islaam arrintaasi uu go’aan cad ka soo saari doono.

Faahfaahinta warkani ka dhegayso midigta sare ee boggan.


XS
SM
MD
LG