Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Samafale ka tirsan MSF oo Muqdisho lagu Dilay


Samafale ka tirsan MSF oo Muqdisho lagu Dilay
Samafale ka tirsan MSF oo Muqdisho lagu Dilay

Ugu yaraan mid ka tirsan shaqaalaha dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa galabta lagu dilay magaalada Muqdishu, iyadoo mid kalena la dhaawacay.

Hay’adda MSF ayaa xaqiijisay in toogasho ka dhacday xarunta ay hay’addu ku leedahay magaalada Muqdishu, balse ma bixin faahfaahin intaasi dhaafsiisan.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Muqdishu ayaa sheegay in dilka uu gaystay xubin hore uga tirsanaa shaqaalaha hay’adda dhinaca amniga oo shaqada laga joojiyey maalintii Arbacada.

Labada qof ee shaqaalaha ah ee la toogtay ayaa ajnabi ah, iyadoo kan dhintay la sheegay inay u dhashay dalka Faransiiska.

XS
SM
MD
LG