Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Uganda Qaraxa ka Dib


Wararka u dambeeyay ee la xiriira qaraxyadii habeen hore ka dhacay Uganda ayaa sheegaya in dadka ku dhintay ay tiradadooda kor u dhaafayso 75 qof.

Sida Boolisku sheegay dadka dhintay ayay ku jireen dad ajaanib ah

Mid ka mid ah dadkaasi dhintay ayaa ah muwaadin u dhashay dalka Maraykanka.

Ilo ku dhow Saraakiisha ammaanka ee Uganada ayaa tilmaamaya in dadka loo soo qabtay qaraxyadaasi uu ku jiro nin sitta magac Soomaaliyeed.

Sidoo kale goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa laga helay madaxa qof loo maleeyay inuu Soomaali yahay .

Wali waxaa socda baadhitaano ay wadaan ciidamada boolisku.

XS
SM
MD
LG