Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Soomaalida Muzambique


Soomaalida ku dhaqan dalka Muzambique ayaa sheegay inay nabadgelyo iyo soo dhoweynba ku haystaan dalkaasi.

Maalmahan waxaa aad loo hadal hayay ilaa afar ruux oo Soomaali musaafir ah oo lagu dilay dalka Muzambique.

Muzambique waxay ka mid tahay dalalka ku yaalla Afrikada Koonfureed, halkaasoo ay Somalida socotada ahi marin ahaan u isticmaalaan iyagoo ku sii jeeda dalka Koonfur Afrika. Hase yeeshee waxaa jirta Jaaliyad Soomaaliyeed oo dalkaasi deganaansho iyo ganacsiba ku haysta.

Afhayeenka Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi Muzambique Sayid Cumar Aadan (Geelle) ayaa VOA u sheegay in dilkaasi loo geystay Soomaalidu uu dhacay muddo bil laga joogo. Wuxuu kaloo sheegay in hadda aysan jirin dhibaato lagu hayo Soomaalida.

Wuxuu aad u ammaanay dowladda iyo Shacabka dalka Muzambique oo uu sheegay inay soo dhoweyn iyo dhaqan wanaagsan u muujiyeen Soomaalida.

XS
SM
MD
LG