Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Abaaraha Soomaaliya


Xaaladda Abaaraha Soomaaliya
Xaaladda Abaaraha Soomaaliya

Guddiga gurmadka abaaraha ee DKMG ayaa ka digtay xaaladda abaaraha ka taagan Somalia.

Gudoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha ee DKMG, ayaa sheegay inaysan jirin jawaab ka timid beesha caalamka iyo qurbajoogta.

Guddoomiye Ibraahim Xabeeb Nuur ayaa beesha caalamka iyo dadka Soomalidaba aad ugu dhaliilay inaanay wax jawaabo ah ka soo bixinin baaqii gargaar doonka ahaa ee qaylo-dhaanta abaaraha ee ay soo saartay dawlada ku meel gaadhka ah ee Somalia.

Gudoomiyahu waxaa uu sheeggay in ay shan qofi gaajo ugu dhinteen magaalada Mogadisho abaaraha jira awgood.

DKMG ayaa hore qaylodhaan ugu dirtay beesha caalamka in ay gargaar la soo gaadhayaan dadka Soomaalida ah ee ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen.

Wariyaha VOAda ee magaalada London ayaa guddoomiyaha ka waraystay xaaladda ugu dambaysay ee abaaraha Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG