Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khilaafka Baarlamanka oo Sii Kordhaya


Khilaafka Baarlamanka oo Sii Kordhaya
Khilaafka Baarlamanka oo Sii Kordhaya

Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Barlamanka Soomaaliya Xaaji Shukri Sheekh Axmed ayaa ka soo horjeestay Go’aan ka soo baxay Maxkamada sare.

Go’aanka maxkamadda ayaa ku aadaana in aan la qaban karin doorashooyinka Barlamanka berri loo ballansanyahay in ay dhacdo doorasho.

Arrintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo uu baarlamaanka Fadhi yeeshay lagu dhagaysnayay hadalo ay jeedinayeen murashaxiinta u tartamayasa xilalka guddoonka Barlamanka

Fadhiga maanta oo ay ka hadlayeen murashaxiinta ayaa waxaa uu sawaxan ka kacay markii oo uu damcay in uu hadlo wasiirkii hore ee maaliyadda Shariif xasan Sheekh Aaden,oo ka mid ah murashaxiinta xilka gudoomiyenimada.

Xildhibaanada hadaba ka mid ah kuwa ka horjeeda sharaxaada Mudane shariif Xasan ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan Maxamed Jaamac Furux, waxaana uu VOAda u sheegay in aanay ogolaan doonin in uu xilkaasi qabto isaga ay baadhis ku hayaan guddiga maaliyadda oo ku eedaynaysa musuq maasuq.

Laakin Xildhibaan Cumar Islow ayaa arrintasai ku tilmaamay waxba kama jiraan , waxaana uu tilmaamay in uu Mudanahaasi tartami karo isla markaana aanay ansax ahayn shqada guddogaasi maaliyadda oo madaxdiisi ay maqanyihiin.

Fadhiga maanta ee golaha baarlamaanka ayaa ku soo beegmay iyada oo shalay Warsaxaafadeed ka soo baxay Maxkamada sare loogu baqay ciidanka booliska dowladda KMG Soomaaliya inay hortagaan in ay dhacaan doorashooyinka Barlamanka ilaa inta meel laga saarayo xilka gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka KMG Soomaaliya Pro. Max’ed Cumar Dalxa, oo isagu maanta xildhibaanada u qaybiyay go’aanka maxkamadda.

Prof Dalxa ayaa VOAda u sheegay in uu dacwadiisa hor dhigay garsoorka inkasta oo gudiga qabanqaabadu aanu arrintaasi ku raacsanayn

Hase ahaate waxaa rayi taa ka duwan qaba xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ahaa xildhbaanadii aaminsanaa in uu dhacay waqtigii shir guddoonka baarlamaanka, isaga oo VOAda u sheegay in shir guddoonkii hore ay hal mar mudadii ka wada dhamaantay ee aanay suurtagal ahayn in istiqaalad ay dhiibaan.

Murankan ayaa ku soo beegmaya iyada oo uu isriix riix hoose oo la isku haysto cidda noqonaysa guddoomiyaha Baarlamaanka. Sidoo kale Khilaafka baarlamaanka ayaan ka madhnayn damac siyaasadeed oo dhinac walbaa u daliishanayo qodob ka mid ah axdiga ku meel gaadhka ah.

Waxaana muranka is qabqabsiganuu ku soo beegmay iyada oo muddo sannad iyo xooga ah ay ka hadhsantahay jiritaanka dawladda iyo Baarlamaankii lagu soo dhisay shirkii Jabuuti.

XS
SM
MD
LG