Isku xirrada

War Deg-Deg ah

William Hague oo Booqday Muqdisho


William Hague oo Booqday Muqdisho
William Hague oo Booqday Muqdisho

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain, William Hague iyo wafdi uu horkacayo ayaa booqasho ku tagay magaalada caasimada ee Muqdisho.

Booqashada Hague ayaa ah tii ugu horreysay ee xoghaye arrimo dibeddeed ka socda Britain uu ku tago Soomaaliya muddo ku dhow 20 sannadood.

Xoghaye Hague ayaa Muqdisho kula kulmay madaxda DKMG Soomaaliya, Saraakiisha ciidamada AMISOM iyo ururada bulshada rayidka ah.

Britain ayaa magaalada London 23-ka bishan ku qaban doonto shir caalami ah oo looga hadlayo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.

Britain ayaa dadaal ugu jirta sidii wax looga qaban lahaa colaadda Soomaaliya, waxayna Britain sheegtay inay safaarad ka furan doonto Muqdisho marka ugu horreysa ee xaaladdu ay ogolaato.

XS
SM
MD
LG