Isku xirrada

War

Minnesota: Wiil Qirtay inuu Lacag u Uruuriyay Al-Shabab

  • VOA Somali

Minnesota: Wiil Qirtay inuu Lacag u Uruuriyay Al-Shabab

Minnesota: Wiil Qirtay inuu Lacag u Uruuriyay Al-Shabab

Axmed Xuseen Maxamuud oo ah wiil Soomaali Maraykan ah ayaa shalay maxkamad ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ka hor-qitay inuu lacago u uruuriyay dhalinyaradii Soomaali Maraykanka ahayd ee ka baxday gobolka Minnesota ee ku biirtay kooxda Al-shabaab ee dalka Soomaaliya.

Axmed Xuseen oo da'diisu tahay 27 jir ayaa sida ay sheegeen ehelkiisu waxa uu qirtay in lacag kabadan 1,000 dollar ay isaga iyo dhalinyaro kale ka uruuriyeen dadka Soomaalida ah ee ku nool Minnesota, iyagoo u sheegay in lacagtaasi ay masaajid ku dhisayaan iyo inay ku taageerayaan caruur agoon ah oo Soomaaliya joogta, hasse yeeshee lacagtaasi ay u isticmaaleen tikidhada dhalinyarada u baxaysay Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa dhawaan xukun ku riddi doonta Axmed Xuseen.

XS
SM
MD
LG