Isku xirrada

USA: Wiil Kale oo Madow ah oo la Toogtay


Booliiska oo isku dayaya inay hor-istaagaan dibad-baxayaasha. St. Louis, Missouri, Aug. 19, 2015.

Booliiska oo isku dayaya inay hor-istaagaan dibad-baxayaasha. St. Louis, Missouri, Aug. 19, 2015.

Madaxa Booliiska St.Louis Sam Dotson ayaa sheegay in Mansur Ball-Bey la toogtay markii uu qori ku taagay laba booliis oo caddaan ah

Iska hor-imaad ayaa dhex maray dibad baxayaal iyo booliiska magaalada ku taalla bartamaha Mareykanka ee St. Louis, kadib markii wiil dhallinyar oo madow ay booliiska toogasho ku dileen.

Madaxa Booliiska St.Louis, Sam Dotson ayaa sheegay in Mansur Ball-Bey la toogtay markii uu qori ku taagay laba booliis oo caddaan ah, xilli ay baarayeen guri ay u haysteen ruqsadda baaritaanka.

Dotson ayaa sidoo kale ku warramay in Ball-Bey iyo wiil kale ay ka carareen guriga, kadibna booliiska ay ceersadeen.

Markii la maqlay warka ku saabsan toogashada, ayaa dadka degan xaafadda ay isugu soo baxeen goobta ayaga oo carreysan-na ay billaabeen mudaaharaad.

Sagaal qof, ayaa la xiray intii ay socdeen iska hor-imaadyada shacabka iyo booliiska.

XS
SM
MD
LG