Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wicitaanka: Kacdoonka Dadweynaha Carabta


Wicitaanka: Kacdoonka Dadweynaha Carabta
Wicitaanka: Kacdoonka Dadweynaha Carabta

Barnaamijkan wuxuu ku saabsan yahay waxa dhaliyay kacdoonka ay sameeyeen dadweynaha Masar, Tunisia iyo Yemen.

Dadweynaha dalalka Tunisia, Masar iyo Yemen ayaa sameeyay kacdoon ay uga soo horjeedaan madaxda muddada dheer ee dalalkaasi. Dalka Tunisia waxay dadweynuhu qasab kaga dhigeen madaxweynihii muddada ka badan 20-ka sano xukunka dalkaasi hayay Zin El-Din Ben Cali inuu dalka ka cararo.

Dadweynaha dalka Yemen ayaa iyaguna mudaaharaadyo sameeyay oo ay ku dalbanayaan in madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo inka badan 30 sano madaxtinimada dalkaasi hayay inuu kursiga banneeyo.

Dalka Masar ayaa isagana ka dhacay kacdoonkii ugu ballaarnaa ee ka dhaca carabta, waxaana dadweynuhu ay dalbadeen in madaxweyne Maxamed Xusni Mubaarak oo inka badan 30 sano xilka hayay nidaamkiisa la soo afjaro.

Dadweynihii mudaaharaadka sameynayay waxay 4-tii maalmood ee ugu horreysay mudaaharaadkooda ay qasab kaga dhigeen in Mr. Mubaarak uu kala eryo xukuumaddiisa, soona magacaabo madaxweyne ku xigeenkiisii ugu horreeyay iyo ra'iisal wasaare cusub.

Laakiin dadku arrintaasi deg deg uguma ay qancin.

Barnaamijka waxaa Marti inoogu ah Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo ku sugan dalka Sacuudi Areebiya.

XS
SM
MD
LG