Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wicitaanka: Cabdixakiim Xaaji Fiqi


Wicitaanka: Cabdixakiim Xaaji Fiqi
Wicitaanka: Cabdixakiim Xaaji Fiqi

Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxa marti ku ah Wasiirka Gaashaandhigga ee DKMG ah ee Somalia, Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ay sheegtay inay la wareegi doonto gacan ku haynta magaalada Muqdisho.

Arrintaasi ayaa hadaba dib u soo cusboonaatay ka dib markii ra’iisal wasaaraha xukuumadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaan dhigga Cabdixakiim Maxamed Fiqi ay booqdeen xarumaha ciidamada dowladda, ayna ku wargeliyeen ciidanka inay u diyaar garoobaan inay qaadaan dagaal ka dhan ah kooxaha mucaaradka.

Haddaba barnaamijkeena wicitaanka dhagaystaha waxaa uu ku saabsan yahay mowduucaasi iyo waxa dowladda u suurtogelin kara inay gacanta ku dhigto magaalada Muqdisho.

Barnaamijka waxaa marti inoogu ah ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaan dhigga C/xakiim Maxamuud Xaaji Faqi oo dhagaystayaasha VOA-da qaarkood uga jawaabi dona su’aalo ay weydiin doonaan.

XS
SM
MD
LG