Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wicitaanka iyo C/kariim Xasan Jaamac


Madaxa xafiiska madaxweyne Shariif
Madaxa xafiiska madaxweyne Shariif

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa toddobaadkan marti noogu ah C/kariim Xasan Jaamac, madaxa xafiiska madaxweynaha, isla markaana ah la taliye sare oo madaxweyne Shariif.

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha waxaa toddobaadkan marti noogu ah C/kariim Xasan Jaamac, madaxa xafiiska madaxweynaha, isla markaana ah la taliye sare oo madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Mudane C/kariim su'aalaha aan weydiinnay, isla markaan ay dhageystayaasha VOA-da soo weydiiyeen waxaa kamid ah: go'aankii dhawaan kasoo baxay shir madaxeedka urur-goboleedka IGAD ee dhawaan ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Sidoo kale, waxaan wax ka weydiinnay waxqabadka, iyo waliba waxqabad la'aanta DKMG ah ee Soomaaliya, sanad iyo barkii ay jirtay. Si gaar ah, dhageystayaasha VOA-da qodobbada ay usoo weydiiyeen waxaa kamid ah: amni xumada magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha kooban ee ay xukuumaddu ka taliso, iyo waliba xiriirka dowladda Shariif iyo dowladaha dariska la ah Soomaaliya, gaar ahaan Ethiopia.

XS
SM
MD
LG