Isku xirrada

War Deg-Deg ah

WFP oo Dedejinaya Gargaarka Somalia u Socda


WFP oo Dedejinaya Gargaarka Somalia u Socda
WFP oo Dedejinaya Gargaarka Somalia u Socda

Barnaamijka ayaa sheegay Talaadada maanta in uu bilaabayo, kii ugu horeeyey ee sagaal duulimaad oo uu ku tagayo magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Barnaamijka Cuntada Adduunka WFP ayaa sheegay in uu dedejinayo gargaarka uu gaarsiinayo gobolka Geeska Afrika, halkaas oo barnaamijku uu isku dayayo inuu caawiyo 11 milyan iyo 500, 000 oo ruux, kuwaas oo abaaro iyo macluuli ay gobolka ku hayaan.

Barnaamijka ayaa sheegay Talaadada maanta in uu bilaabayo, kii ugu horeeyey ee sagaal duulimaad oo uu ku tagayo magaalada Mombasa ee dalka Kenya, duulimaadkaas oo sida buskutka nafaqada badan si loogu quudiyo dad gaaraya 1.6 milyan oo ruux maalin walba, magaalada Mombasana buskutkan looga rari doono dadka nugul ee gobolka ku nool.

Barnaamijka Cuntada Adduunka ayaa qorsheynaya in uu Somalia u diro kumanaan ton oo cunto ah labada bilood ee soo socda, si loo gargaaro gaar ahaan caruurta nafaqo-daradu hayso ee da’doodu 5ta sano ka hooseyso.

Barnaamijku waxa uu sheegay inuu sii wadayo qeybinta cuntada ee uu ka wado xeryahay qaxootiga ee Ethiopia iyo Kenya. Boqolaal kun oo Somali ah ayaa xeryahan ku qaxay, amaba u qaxay xeryaha ku yaalla magaalada Muqdisho, iyaga oo baadi goobaya cunto iyo biyo.

Barnaamijka Cuntada Adduunka WFP ayaa sheegay in ka dib codsigoodii, ay ilaa iyo hadda wali u baahan yihiin 250 milyan oo dollar si ay ula tacaalaan baahida hadda ka jirta gobolka.

XS
SM
MD
LG