Isku xirrada

War Deg-Deg ah

WFP Oo Iska Fogeysay Eedeymaha Somalia


WFP
WFP

WFP waxay sheegtay inaysan raashiinka mucaawinada kusoo beegin xilliga dallaga usoo go'o beeraleyda Somalia.

War qoraal ah oo hay’adda WFP ee cunnadda u qaabilsan Qaramada Midoobay ay soo gaarsiisay VOA Somali ayey ku beenisay eedaymaha kaga yimid dawladda Soomaaliya ee ku saabsan in hay’addu ay si ula kac ah raashinka mucaawinada ugu beegto xiliga beeralayda Soomaaliyeed ay filanayaan in dalagooda uu usoo go’o, taasna ay sababtay in ay niyad jab ku keento beeralayda Soomaaliyeed.

WFP waxaa ay ku sheegtay qoraalka in ay mar kale ku celinayaan sida ay diyaarka ugu yihiin islamar ahaantaana ay u xoojinayaan sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka beeralayda iyadoo intaasi ku dartay in WFP ay la shaqaynayso beeralayda Soomaaliyeed, islamarkaana ka caawiso tababarada dhanka farsamada si kor loogu qaado wax soo saarka iyo in beeralayda lagu xiro suuqyada caalamiga ah.

“WFP waxaa ay sheegtay in xiliyo badan ay ka iibsatay beeralayda Soomaaliyeed galayda usoo go’da, xiliganna ay ku howlan yihiin sidii ay u iibsan lahaayeen in ka badan 1000 metric tons oo galay ah iyagoo sheegay in raashinkaasi ka iibsan doonaan iskaashatada beeralayda ah ee afgooye iyo awdheegle.”

Hadalka WFP ayaa kusoo beegmaya labo maalmood uun ka dib markii wasaaradda beeraha ee Soomaaliya oo la hadlaysay VOA Somali ay ku eedaysay hay’adda WFPin ay raashinkeeda gargaarka ah ku beegto xiliga uu dalagu usoo go’ayo beeralayda Soomaaliyeed.

XS
SM
MD
LG