Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weeraro lagu qaaday Liibiya


Weeraro lagu qaaday Liibiya
Weeraro lagu qaaday Liibiya

Diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka ee dalalka reer Galbeedka ayaa weeraro ku qaaday magaalooyin ka tirsan dalka Libya.

Diyaaradaha dagaalka ee dalalka Maraykanka, Britain, Fransiiska, Talyaaniga iyo Canada ayaa bilaabay howlgallo militari oo ka dhan ah ciidamada hoggaamiyaha Libya ee Mucaamaral Qadaafi.

Weeraro gantaallo ah ayaa lagu garaacay saldhigyada cirka ee ciidamada dalka Liibiya.

Maraykanka ayaa gantaallo la beegsaday xarumaha difaaca cirka ee Libya. Sarkaal ka tirsan Pentogan-ka ayaa sheegay in inkabadan 110 gantaallada loo yaqaan “Tomahawk” lagu soo garaacay 20 goobood oo kala duwan oo ay ku jiraan saldhigyada ciidamada cirka ee Libya.

Gantaalladan "Tomahaw" ayaa laga soo ganay maraakiib iyo gujisyo ay leeyihiin ciidamada Maraykanka iyo Britain oo ku sugan badda Mediterranean-ka.

Diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska ayaa iyaguna gantaallo la beegsaday oo burburiyay taangiyo ay leeyihiin ciidamada Libya oo k ku sugnaa dhinaca bari ee magaalada Benghazi.

Dowladda Libya ayaa sheegtay in ciidamada huwantu ay bartilmaameedsadeen xaafaddo rayidku dagan yahay oo ku yaalla magaalada Tripoli.

Weerarradan ayaa yimid kaddib markii qaar ka tirsan hoggaamiyayaasha reer Galbeedka iyo madax ka socota waddamada Carabtu ay ku kulmeen magaalada Paris ee Faransiiska iyagoo ku heshiiyay in tallaabo militari laga qaado hoggaamiyaha Libya Mucaaral Qadaafi.

XS
SM
MD
LG