Isku xirrada

Weerarkii Hotel Ambassador oo lasoo Gebo-gebeeyey


Qaraxa hotel Ambassador

Qaraxa hotel Ambassador

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn saaka soo geba gebeeyey howlgalkii hotel ambassador ee magaalada Muqdisho, oo xalay ay galeen maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Tirada dhimashada weerarka ayaa korortay waxaana wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar oo VOA la hadlay uu sheegay in weerarka hotelka ay ku dhinteen 17 qof.

Sidoo kale waxaa ciidamada amaanka ay dileen afartii dagaalyahan ee weerarka soo qaaday, ayada oo saddex qof oo kalena ay ku dhinteen isbitaalka, taasi oo tirada dhimashada guud ka dhigeysa 24 qof.

Dadka dhintay waxaa ku jira xildhibaannada kala ahaa Cabdullaahi Jaamac Xasan (Kaboweyne) iyo Maxamuud Maxamed Guure, kana mid ahaa mudanaashii ugu cad caddaa baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Illaa 48 qof oo dhaawac ayaa la geeyey isbitaalka madiina ee magaalada Muqidsho.

Hotelka ayaa waxaa sidoo kale laga soo bad-baadiyey dad gaaraya illaa 57 qof.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay “in shacabka iyo dowladda aanay marna ka daali doonin dagaalka lagula jirao argagixisada”, wuxuuna tacsi u diray ehellada dadkii ku geeriyooday weerarka, oo ay ka mid ahaayeen laba xildhibaan.

C/casiis Xuseen ayaa wasiirka khadka taleefonak ee Muqdisho kula xiriira, wuxuuna weydiiyay, goorta ay ciidamada u suurtogashay inay hotelka gudaha u galaan oo howlgalka soo afjaraan.

XS
SM
MD
LG