Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga: 2 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Masjid


Warbixinno horudhac ah ay sheegayaa in weerarka ay qeyb ka ahaayeen bamooyin iyo gantaallo lagu tuuray masjidka.

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen kadib markii rag hubeysan ay xabado ku fureen masjid ay shiicada ku tukadaan oo ku yaalla bariga dalka Sacuudiga, intii lagu guda jiray salaaddii Jimcaha.

Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday masjidka Imam Reza ee xaafadda Mahasen ee magaalada Al-ahsa.

Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in qof uu qarxiyey jaakat uu xirnaa oo miineysan, kadibna ay koox kale xabado ku fureen rasaasta.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada ammaanka iyo baabuurta gurmadka deg degga ah ay si deg deg ah u hareereeyeen goobta.

Weli ma jirta cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Xaafadda Mehsen ayaa waxaa ku badan dadka shiicada ah oo ka shaqeeya shirkadda ugu weyn ee dhoofisa shidaalka caalamka ee Saudi Arabian Oil Company, oo halkaas ku taalla.

XS
SM
MD
LG