Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Caalamka Oo Go'aankii Madasha Taageeray


Shirka Madasha
Shirka Madasha

Shirka madasha ayaa lagu go'aamiyey in doorashada Soomaaliya ee 2016 lagu saleeyo 4.5 iyo hab maamul goboleed oo isku dhafan.

Saaxibada Beesha Caalamka ee Somalia ayaa soo dhaweeyay go’aamaddii ka soo baxay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho shalay ka dhacay.

War saxaafadeed ay soo saareen ayaa lagu yiri Qaramada Midoobay , Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Dowladda Ethiopia, Qadar, Faransiiska, Talyaaniga, Sweden, Turkiga, Britain iyo Mareykanka waxey dhamaantood taageero u muujinayaan talaabadan muhiimka ah ee Soomaalidu ay qaaday.

Waxey yiraahdeen waxaanu soo dhaweyneynaa xalka laga gaaray habka doorashada loo galo sanadka 2016-ka, waxeyna ku amaaneen dowladda Federalka Somalia inay raadisay sida ugu wanaagsan ee la isugu soo dhawaan karo dhinacyada si xal looga gaaro.

Ugu dambeyntii, waxa ay balan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan hirgelinta heshiiskan

XS
SM
MD
LG