Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Lagu Dilay Askar Ka Tirsan DF


Afhayeenka Gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Xuseen Maxamed Shiine ayaa xaqiijiyey in saddex askari lagu dilay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen.

Askar ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen weerar ay maleeshiyada ururka Al-Shabaab ku qaadeen baabuur ciidamada ay la socdeen.

Afhayeenka Gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Xuseen Maxamed Shiine, ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo kasoo baxay gegida Balidoogle kuna wajahaan deegaanno ka mid ah gobolka Shabeellada Hoose ay maleeshiyada Al-Shabaab ku weerareen tuulada Waan Batay.

Afhayeenka waxa xaqiijiyey in saddex askari oo ka tirsan cidiamada dowladda lagu dilay weerarka mid kalena uu ku dhaawacmay, waaxse uu sheegtay in ay sagaal ka dileen maleeshiyada Al-Shabaab, dhowr iyo tobanna ay ka dhaawaceen.

Ma jiraan warar si madax banaan u xaqiijin kara sheegashooyinka khasaare ee uu sammeeyey afhayeenka maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed Cabdi Sandheere ayaa wareystay Afhayeenka Gobola Shabellada Hoose Maxamed Xuseen Maxamed Shiine.

Dagaal ka dhacay Wanlaweyn
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:53 0:00

XS
SM
MD
LG