Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doodda Dhex Marta Dawaarlayaasha iyo Macaamiishooda


Xilliga ay soo gelayaa Ciidda, waxaa sare u kaca waalidka doonaya inay ubadkooda dhar u iibiyaan ama mid cusub u tolaan.

Dawaarlayaasha Soomaalida ah ayaa inta badan waxaa dhacda in iyaga iyo macaamiishoodu ay ku murmaan waqtigii ay kula balameen in ay howsha tolliinka u dhameynayaan.

Murankaas ayaa inta badan ku yimaada dawaarlihii oo shaqadii u haya qofkii macmiilka ahaa oo uu mid kale oo degdegsani dhexda uga soo dhaco, oo uu waliba lacag dheeraad ahna bixiyo.

Wariyaha VOA ee Jabuuti Sagal Siciid Faarax ayaa la kulantay Xasan Sheekh Maxamed Oo muddo dheer ku soo jiray howsha dhar tolista, waxa uuna si furan uga sheekeynayaa waaya aragnimadiisa ku aaddan arrintaa.

Warbixinta Djibouti
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:38 0:00

XS
SM
MD
LG