Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hoobiyeyaal Dad Rayid Ah Ku Dilay Muqdisho


Mogadishu map
Mogadishu map

Weerarka oo loola dan lahaa madaxtooyada Soomaaliya, ayaa dilay gabar yar, islamarkaana dhaawacay 5 qof oo kale.

Hal qof ayaa ku dhintay, ugu shan kalena wey ku dhaawacmeen kadib markii hoobiyeyaal loola dan lahaa xarunta Madaxtooyada Somalia ee magalada Muqdisho ay ku dhaceen xaafadaha ku dhow dhow ee degmada Wardhiigley.

Hoobiyayaasha ayaa dilay gabar yar oo ku sugneyd xero qaxooti, islamarkaana dhaawacay shan qof oo kale oo saddex ka mid ah ay caruur yihiin.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay, ayaa lagu warramay inay xaaladooda halis tahay, loolana cararay isbitaalka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dadka dhibaatadu gaar tahay ay ehelaan ahaan isku dhow yihiin.

Weli saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya kama aysan hadal madaafiicdan. Weerarada hoobiyayaasha ee madaxtooyada Soomaaliya lala beegsado ayaa inta badan waxyeelo ay kasoo gaartaa shacabka degan goobaha u dhow.

Wariyheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa tagay meelihii ay madaafiicda ku dhaceen warbixintan ayuuna nooga soo diray.

Weerar hoobiye oo ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:44 0:00

XS
SM
MD
LG