Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soo Galootiga Germany oo Kufsi lagu Eedeeyey


Xadgudubyada ayaa ka dhacay xarunta tareenka Colgone
Xadgudubyada ayaa ka dhacay xarunta tareenka Colgone

Dowladda Germany ayaa sheegtay in qof kasta oo soo galooti ah oo dambigan lagu helo laga masaafurin doono dalka Germany.

Wasiirka caddaaladda Germany Heiko Maas ayaa sheegay in haddii dadka magangalyo doonka ah ay ka mid noqdaan dadka mas’uulka ka ah xadgudubyo galmo iyo xatooyo ka dhacday magaalada Cologne, in dalka laga masaafurin doono.

Maas oo khamiistii la hadlay warbaahinta Funke, ayaa sheegay in sharciga Germany uu ogolaanayo in dadka magangalyo doonka la masaafuriyo, haddii la gu xukumo hal sano ama ka badan oo xabsi ah.

Arrintan oo warbaahinta Germany ay si weyn u hadal heyso, ayaa waxaa gabdho dhowr ah ay sheegeen inay falalkan kula kaceen dad ajaaniib ah oo u badan kuwa ka yimid Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Waxay boolisku baarayaan sheegashada arrintaasi iyo inay salka ku heyso arrimo la xirira siyaasad oo arrintu ay gadaal ka riixayaan xisbiyo mucaarad ah oo neceb dadka soo galootiga iyo Islaamka.

Jamaal Axmed Cismaan oo khadka telefoonka kula xiriirey Axmed Kediye oo ka mid ah Soomaalida ku nool waddankaasi, ayaa wax ka weydiiyey arrintan.

Wareysi: Axmed Kediye
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:35 0:00


XS
SM
MD
LG