Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Gantaal oo Lagu Qaaday Xeebta Hobyo


Weerar Gantaal oo Lagu Qaaday Xeebta Hobyo
Weerar Gantaal oo Lagu Qaaday Xeebta Hobyo

Dad goobjoogayaal ah ayaa VOA u sheegay in gantaal ay soo rideen ciidamada badda Caalamiga ah uu laba qof ku dilay meel u dhow Hobyo.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa VOA u sheegay in gantaal ay soo rideen ciidamada badda ee xooggaga caalamiga ee joogta Bedwaynta Hindiya uu ku dilay ugu yaraan 2 ruux oo la sheegay inay kaluumaysato yihiin meel u jirta 30 KM degmada Hobyo.

Gantaalkan ayaan la ogeyn in laga soo tuuray markab iyo inay soo gantay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ay ciidamadaasi isticmaalaan.

Qaar ka tirsan kaluumaysatada deegaanka ayaa VOA u sheegay in ciidamada badda ee caalamiga ah ay dajiyeen doonyihii kaluumaysiga.

Ciidamada Badda ee Britain oo qeyb ka ah ciidamada caalamiga ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda xilli ay ku jireen roondo la soo weeraray, kaddibna ay rasaas ku jawaabeen. Ciidamadan waxay beeniyeen inay gantaal ku rideen meel ka mid ah xeebaha Somalia.

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa xarumo waxay ku leeyihiin qeybo ka mid ah gobolka Mudug, halkaasoo ay keenaan maraakiibta ay ka soo afduubtaan baddaha.

XS
SM
MD
LG