Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rag Hubeysan Oo Toddobo Qof Ku Dilay Bujumbura


Rag hubeysan ayaa toddobo qof ku dilay magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi kaddib markii ay weerar ku qaadeen maqaayad ku taalla magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga weerarkaasi geystay ay ku amareen dadkii ku sugnaa bannaanka maqaayadaasi in ay gudaha galaan kaddibna rasaas ooda uga qaaday.

Goobjoogayaashan oo la hadlay wakaallada wararka ee Faransiiska ayaa sheegay in raggaasi ay xirnaayeen direyska booliska.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu shalay ku ekaa xilligii xukuumadda madaxweyne Pierre Nkurunziza ay ku qabatay dadka haysta hubka in ay dowladda ku soo wareejiyaan haddii kale si xoog ah looga soo qaadi doono.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa xilliga madaxweynenimada dalkaasi loo doortay markii saddexaad iyadoo doorashadiisa uu muran xooggan ka dhashay.

XS
SM
MD
LG