Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaan Gurxan Oo Muqdisho Lagu Aasay


Muqdisho
Muqdisho

Xildhibaan Gurxan ayaa lagu aasay qubuuraha degmaa Madiino, waxaa aaska ka qeyb galay xubno ka kala tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya, saraakiil ciidamada ka tirsan iyo qeybaha bulshada.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Maxamed Cumar Carte oo ka hadlay aaska ayaa sheegay in xukuumaddu ay billowday baaritaan lagu doonayo in gacanta lagu soo dhigo ciddii ka dambeysey dilka xildhibaan Gurxan maxkamaddana la horkeeni doono.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Ikar oo ka hadlay aaska ayaa xubnaha barlaamanka ku booriyey in aysan ka rajo dhigin hawsha ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed,kana dalbaday laammaaha amniga ee dowladda in ay gacanta ku soo dhigaan raggii ka dambeeyey weerarkii uu ku geeridooya xildhibaan Gurxan.

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan ayaa weerarka lagu qaaday xilli u ku sii jeeday xarunta barlamaanka. Iyadoo kooxdii weerarkasi geysatay ay isla markiiba ka baxsatay goobtii uu falku ka dhacday.

XS
SM
MD
LG