Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wetang'ula:Khudbadihii Faarax colaad ayay hurinayeen.


Wasiirka Arr. Dibedda Kenya Moses Wetang'ula ayaa ku baaqay in baadhitaan lagu sameeyo safarkii Faarax Macalin ee Somaliland

Wasiirka arr. Dibadda Kenya Moses Wateng'ula ayaa baarlamaanka Kenya ugu baaqay inay baaritaan ku sameeyaan safarkii uu Somaliland ku tagay G/K/X baaralamaanka Kenya Farax Macalin

Faarax Macalin iyo wafdi u hogaaminayo ayaa booqasho ku soo maray deegaanno ka tirsan Somaliland bishii December, booqashadaasi waxaa ku weheliyay dhowr xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Kenya

Wasiirka Arimaha dibadda Kenya Moses Watengu'la ayaa gudiga difaaca iyo xiriirka dibadda ee Baarlamaanka u gudbiyey Qoraal uu ku dalbanayo in Baarlamaanku dib u eegis ku sameeyo Khudbadihii uu gudoomiye kuxigeenku jeediyey intii uu Somaliland ku sugnaa. Wasiirku wuxuu qudbadahaas ku sheegay inay ahaayeen kuwa sii hurinaya khilaafka dhulka ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland

Khudbadaha uu Faarax ka jeediyay Somaliland ayuu ku sheegay in Somaliland aysan wax dan ah ugu jirin kala go'a Somalia, balse wuxuu ku amaanay somaliland nabadda ka jirta marka la eego koofurta iyo bartmaha Somalia.

Faarax Macallin waxa uu booqday dhamaan Somaliland oo ay ku jirto Magaalada Laas-caanood oo ka mida dhulka ay Puntland iyo Somaliland isku khilaafsanyihiin lahaanshahihiisa,halkaas oo aakhirkii 2007-kii ay Somaliland dagaal dhex maray iyaga iyo Puntland kula wareegtay gacan ku heeynta laascaanood iyo deegaanno kale .

XS
SM
MD
LG