Isku xirrada

War

Wasiir ka Goostay dowladda Libya


Wasiir ka Goostay dowladda Libya

Wasiir ka Goostay dowladda Libya

Dowladda Britain ayaa su'aalo weydiisay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Libya oo shalay makhribkii London si lama filaan ah kaga degay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Libya Musa Kousa ayaa socdaal kedis ah ku tegay magaalada London ee xarunta dalka Britain, shalay makhribkii.

Mas'uuliyiinta dowladda Britain ayaa wareysanaya Mr. Kousa, oo ay sheegeen inuu xilka iska casilay ka hor intuusan u soo duulin London.

Afhayeen u hadlay dowladda Libya ayaa sheegay in wasiirku uusan ka goosan dowladda, hase yeeshee uu ku jiray hawl diblomaasiyadeed.

Muusa Kousa oo 59 jir ahi waxa uu qabtay jagada wasiirka arimaha debedda ee dawlada Libya sanadkii 2009-kii, markaasi ka horna waxaa uu xilal kala duwan oo sare uu ka soo qabtay dawlada Libya,isaga oo mar ahaan jiray sarkaalka madaxda ka ah waaxda sirdoonka ee dawladda Libya,waxaana uu ka mid ahaa saraakiisha ay sida aadka u wayn isugu dhawaayeen Cornayl Qadaafi.

Saraakiil ka tirsan dawlada Britain ayaa sheegay inuu ka soo goostay dawlada Cornayl Qadaafi oo aanu doonaynin inuu la shaqeeyo waxii imika ka dambeeya,haseyeeshee af-hayeen u hadlay dawlada Libya ayaa sheeggay inuu wasiirka arimaha debedu uu ku maqan yahay waxa uu ku tilmaamay hawlo dhinaca dublamaasiyada ah.

XS
SM
MD
LG